Faahfaahin sargaal xalay lagu dilay muqdisho.

0

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay magalada muqdisho gaar ahaan degmada xamar jajab dilka xalay ayaa loo geystay sargaal ka tirsanaa ciidamada boliska soomaliyeed kaasi oo lagu magacabayay AUH aadan axmed cali kuna magac dheraa aadan biit

 

Sargaalkaan ayaa ahaa talliyihii hore ee magalada beydhabo ee caasimada KMG koonfur galbeed soomaliya sidoo kana waxaa uu taliyuhu soo noqday taliyihii degmada cabdi casiis ee gobolka banaadir

 

Goobta dilka uu ka dhacay oo ah aaga school boliisiyo ayaa ah  goob si weyn loo sugo amnigeeda waaxaa dad badani ay isweydiinayaan sida ay koox hubeysani ugu soo ragashay in dil ka geystaan

 

Dhica kalana madaxweynaha koonfur galbeed soomaliya cabdicasiis maxamed xasan lafta gareen ayaa war kasoo saray dilkaasi qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee face bookga ayaa u qornaa sida tan

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa

 

Ehelka,Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu Tacsiyaynayaa Gerida ku timid Alle Haunaxaristee Marxuum Aadan Biit.

 

Geesta kalana al shabab ayaa sheegtay masuliyada dilkaasi iyaga oona sheegay in sargaalka u ahaa tababare ciidan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here