Waiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheikh ismaaciil (Fartaag), ayaa Gudoomiyey shirka wajiga Labaad ee mashruuca JPP ee Horumarinta Boliiska Soomaaliyeed, kaasi oo looga arrinsanayo sidii loo Horumarin lahaa Boliiska,
Shirkan waxaa Goob jog ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wasiirada Amniga Dowlada Goboleedyada Xubinta Ka ah Dowlada FDS iyo deeqbixiyaasha.
Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi laaa Tayada iyo aqoonta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed si ay ula falgalaan Bulshada Soomaaliyeed,
S/Guuto C/laahi sheikh ismaaciil {Fartaag} Wasiirka amiga Gudaha JDS oo shirka ka hadalay ayaa uga mahad Celiyaya saaxiibada Caalamka ee Marwalba Garab istaaga Boliiska Soomaaliya Gaar ahaan uga Mahad celiyaya UNDP,
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa ka hadalay habka loo marayo mashruuca Hormarinta Boliiska Soomaaliya kana Mahaceliyaya sidii wanagsan ee wada shqeynta Sxb Caalanka Ee Garab istaagay Boliiska Soomaliya,

