WASIIR FARTAAG OO KULAN LA QAATAY WASIIRRADA AMNIGA HEER DOWLAD-GOBOLEED EE DALKA

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wadashaqeynta Laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka, dardar-gelinta ladagaallanka kooxda al shabab, tayeynta Booliska iyo xoojinta wadashaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Wasiir Cabdullaahi Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta Booliska, isagoo bogaadiyey sida ay uga go’an tahay Wasiirrada Amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here