Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay xafad ka tirsan degmada deyniile ee gobolka banadir
Si gaar ah dilkaan ayaa kaga dhacay xafada warlaliska waxa dilka geystay koox hubeysan oo dilka ka dib goobta ka baxsaday
Alla ha unaxriistee ninka la dilay ayaa lagu magacabaa sahal cusman waxa uuna la dhashay nin maalmo ka hor isla degmada deyniile ku dilay laba ruux shacab ahaa
Hayadaha amniga ayaan sidoo kale wax faahfaahin ka bixin dilkaasi dhacay.
Warbaahinta simba oo gartay goobta dilka uu ka dhacay ayaa ogaatay in dilkaan uu xirir la lee yahay labadii ruux ee lagu dilay degmadaasi

