Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degaanka Xawaadley oo u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna waxaa halkaas ka dhacay dagaal xooggan.
Wali lama ogo halka rasmiga ee Weerarka qaraxyada Al-shabaab la beegsatay halkaasi Saldhig u ah ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac,
Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ayaa sanad iyo bar ka hor shabaab ka qabsaday degaanka Xawaadley oo u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku lahaayeen Saldhig weyn oo weerarada laga soo qorsheyn jiray.

