dowlada soomaliya oo jawaab adag ka bixisay war uu qoray Reuters.

0

Dowlada soomaliya ayaa war kasoo sartay war qoraal ah oo ay baahisay wakaalada reuters kaasi oo ku saabsanaa shirkii nairobi ku dhexmaray madaxweyne xasan shiikh iyo madaxweynaha kenya william Ruto qoraal kasoo baxay dowlada ayaa lagu yiri ..

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

si kastaba beenintaan ayaa kusoo begmeysa xili dalalka geeska africa oo ay soomaliya qeyb ka tahay ay wadamada caalamka la galeen hishiis difaac oo dhanka bada ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here