puntland oo gacanta ku dhigtay nin ku edeysan dil xalay ka dhacay garoowe

0

Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo howlgallo ka sameeyay magaalada garoowe ee xarunta gobolka nugaal  ayaa gacanta ku soo dhigay nin  ku edeysan dil xalay ka dhacay bartamaha garoowe kaasi oo loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka boliska mamulkaasi

 

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa waxaa lagu xaqiijiyay soo qabashada eedeysane Cabdinuur Bashiir Maxamed oo sacadihii ugu danbeyay la baadi goobayay

 

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Howlgal qaatay saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta booliska G. Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Cabdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Cabdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidanka booliska G.Nugaal oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Garoowe”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here