Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil-toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa taliyihii saldhiga degmada hilwaa ee gobolka banaadir & Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo isna ah Kabtan Police ka tirsan & Dable Gacanyare u ahaa Taliyaha.
xukunka ragaan aay maxkamadu ku sheegtay Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen 24/02/2024.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka Xayuubisay Darajadiisa Ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye & Qoone.
sidoo kalana Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.
Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.
ugu danbeyntii gudoomiyaha maxkamada oo xukunka ku dhawaqay ayaa shegay in raga la xukumay uu racfaan u furan yahay.

