Ciidamada ilalada xeebaha Somaliland ayaa bilaabay hawlgal lagu baadi goobayo maydka marxuum Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali oo salay duhurkii ku dhacay bali ku yaala degmada Dilla.
Waxaana ilaa sake lagu gudajiraa hawlgal balaadhan oo lagu baadi goobaayo maydka Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali
Masuliyiin katirsan xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin maareeyaha hay’adda wadooyinka, agaasimaha hay’adda shaqalaha dawlada, Badhasaabka Gobolka Awdal, Maayirka magaalada Boorama, Madaxda degmada Dilla iyo masuliyiin kale ayaa ku sugan baligaasi oo uu ka socdo hawlgalku.
Waxana sidoo kale goobta ku sugan ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo bad-quusayaaal ku xeeldheer dabaasha oo wado dadaaladii lagu helilahaa maydka marxuumka
si kastaba ma ahan markii ugu horeysay ee arintaan dhacdo iyadoo marar badan ay kusoo noqnoqatay degaanada mamulka somaliland

