Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wafti uu hoggaaminaayo ayaa kulan kula qaatay caasimada dalka itoobiya mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Ethiopia.
Garabka itoobiya ee kulanka waxaa hogaaminayay wasiira dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Mesganu Arga, waxana la shegay in kulanka uu ahaa u kuurgalida fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.
Wafdiga Puntland ayaa si qoto dheer uga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya mamul goboleedka Puntland iyo xukumada abiy axmed iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.
Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in xukumada cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Puntland oo uu sheegay in ay si wanaagsan u dhacday doorashadii dhacday.
Puntland ayaa umuuqato in ay qaadeyso wado ay ka caroon karto dowlada dhexe ee soomaliya

