Wasaarada arimaha dibada itobiya ayaa shaacisay inay sahminayso fursado iskaashi ee dhinacyada ganacsi, maalgashi, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha oo ay la yeelanayso Puntland oo dhowaan ku dhawaqday in ay joojisay wadashaqeyntii dawladda Federaalka oo ay sheegtay inaysan aqoonsanayn.
Wada-hadallada Itoobiya iyo Puntland ee ka dhacay Addis Ababa ayaa dhinaca Itoobiya waxaa hoggaaminayay wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya, Mesganu Arga iyo saraakiil kale oo ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo waaxyaha kale ee kulanka u quseeyay,
taa oo muujiyay inay Itoobiya markan siinayso maqaam ka sarreeya xiriirkii kala dhaxeeyay Puntland oo horey aysan saraakiisheeda u tagi jirin wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, tallaabadan oo loo qaadanayo inay Puntland ku dhaqangelinayso “inay u dhaqmi doonto si madax bannaan.”
Dhinaca Puntland, waxaa wafdiga ka socday hoggaaminayay Wasiirka maaliyadda , Maxamed Faarax Maxamed oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan guddiga dardargelinta ganacsiga Puntland oo xubnihiisa ay u badanyihiin shaqsiyaad uu kalsoonyahay Madaxweyne Deni.
Itoobiya, waxay wada-hadalkan ku soo bandhigtay ballanqaad la xiriira inay si dhow ula shaqeyn doonto Puntland, iyadoo la filayo Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni inuu tago Addis Ababa, lama soo bandhigin haddii muddada uu joogo uu la kulmayo saraakiisha Itoobiya. Laakin kulankan ayaa sare u qaadaya burburkii ka jiray siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, taa oo dhaliisheeda ay ku dhacayso dawladda Federaalka.
Arintaan ay mar kale qaday itoobiya ayaa umuuqda mid sii xumeyn kara xiisada siyasaded ee udhaxeysa itoobiya iyo soomaliya oo soo bilowday tan iyo markii abiy axmed hogaamiyaha itoobiya oo Somaliland kala saxiixday hishiis dhanka bada ah

