Faahfaahin: Qarax ka dhacay xarardheere xili uu ku sugnaa xasan shiikh

0

Warar  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo shalay lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya ee ku sugan gudaha degmada xarardheere ee koonfurta gobolka mudug ee bartamaha dhulka soomaliya

Qaraxaan oo ahaa midka nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa ku qaraxday mid ka mid ah gadiidka ciidanka dowlada xili ay sarnayeen waxaana jugta qaraxaasi laga maqlay gudaha xaafadaa xarardhere

 

Xiliga uu qaraxu ka dhacayay waxaa degmadaasi ku sugnaa madaxweynaha dowlada federalka ee soomaliya xasan sheikh maxamuud

Qaraxaan oo masuliyadeedu shegteen al shabab ayaa geystay qasaaro dhimasho iyo dhawac ah waxaana alshababku shegeen in ay ku dileen qaraxaasi ugu yaraan saddex askari tiro kalana ay ku dhawaceen hayeshee shegashada al shabab ee ah in ay ku dhishay qaraxaasi 3 askari kuna dhawacday 4 kale simba si dhab ah uma xaqiijin karto

 

waxaase dadka degaanku oo aan la xariirnay inoo shegeen in qarax uu dhacay isla markaasina lala eegtay askarta dowlada ee xarardhere ku sugan

 

dhinaca kalana madaxweyne xasan shikh oo sugan xarardhere ayaa shalay dalacsiyay ciidanka dowlada ee dagaalka kula jira al shabab isaga oona ka hadlay dagaal ka dhanka ah al shabaab

 

si kastaba hanaqotee safarka madaxweyne xasan sheikh ee galmudug ayaa kusoo beegmaya xili habacsanan aad u xoogan uu ku jiray  bilihii danbe dagaalka  al shabaab,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here