Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern.
Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka arrimo ay ka mid yihiin, qorshaha cusub ee dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo hagaajinta xiriirada dhaqaalaha.
Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, waxa ayna qeyb ka tahay Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ay ka fuliyaan Saaxiibada Caalamka.
Geesta kalana waxaa jirta dhaqdhaaq maliyadeed oo bilihii ugu danbeyay ay dowlada federal ee soomaliya waday ka dib markii calamka ka cafiyay deemihii uu ku lahaa

