ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labo xubnood oo ka tirsanaa al shababb kuwaasi oo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho sida dowlada sheegtay.
Xilliga ay qabanayeen ciidamada nisa xubnahaan ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan amniga muqdisho
Dowlada soomaliya ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka ammaanka ay saacad kasta u taagan yihiin sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Si kastaba malmihii ugu danbeyay waxaa sii kordhayay howlgalada kala duwan eek a dhaca muqdisho iyo nawaxigeeda

