Beesha Caalamka ayaa war culus kasoo sartay xalada siyaasaded ee dalka gaar ahaan buuqa wax ka badalka dastuurka barlamaanka soomaliya iyaga oo si wayn u soo dhowaysay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad wanaagga, sida qabya tirka Dastuurka.
War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri:-
Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.
Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa doorka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.
Waxaan sidoo kale qireynaa ku talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay in horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.
Dhinaca kalana beesha calamka ayaa ugu baaqday dowlada federalka ee soomaliya in ay wada ogol ka dhinto wax ka badalka dastuurka dalka oo siyasiyiin badan iyo Puntland ay kasoo hor jeedaan
Hadalka beesha calamka oo muuqdo mid dhex dhexaad ka ah gooxa siyasadeed ee wax ka badalka dastuurka dalka ayaa imaanaya xili dhawaan barlamaanka soomaliya uu qaday talaabo culus oo muddo laga dhowr sugayay isla markaasi laga digay

