Xiisad ka tagan gobolka sool & dhaqdhaaq socda

0

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka OOG ee gobolka Sool ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada maamuladda  Soomaaliland iyo kuwa  ssc khatumo

Xiisaddan ayaa dib uga bilaabatay kadib markii xalay  ay Ciidamada maamulka Somaliland ay weerareen fariisin ciidamada maamulka ssc khatumo ku leeyihiin deegaanka OOG ee gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada labada maamul ay ku hubeysayihin boqolaal gadiidka dagaalka ah walina isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana jirta cabsi laga qabo in uu markale dagaal ka qarxo deegaankaas.

wararku waxa ay intaa kudaraan ay ay wali Ciidamada maamulka Soomaaliland ay gacanta ku haya maamulka deegaanka OOG iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada

waxaana jirtay in ay Mas’uuliyiinta labada maamul hawada isku marinayeen erayo u badnaa hajabaado dagaal taasoo u muuqata mid uga dareysa xiisada halkaa ka taagan deegaanka  oog ee gobolka Sool.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here