faahfaahin:dagaalkii shalay ee duleedka xarardhere

0

Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo culus oo shalay ka dhacay duleedka degmada xarardhere ee konfurta gobolka mudug ee bartamaha dhulka soomaliya

Dagaalkaan oo socday ku dhawaad 10 sacadood wax u dhow ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhawac oo laba dhinac soo kala gaaray

 

Sidoo kalana ciidanka dowlada iyo al shabab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaladaasi qoraal kasoo baxay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada  qalabka sida ayaa lagu yiri

 

Ciidanka XDS iyo kuwa deegaanka ee degmada Xarardheere ayaa ku guuleystay u dhaadhicidda fariisin iyo gooba ay isku aruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan al shabab

Howlgalka oo u dhacay si qorsheysan ayna iska Kaa shadeen Kumandooska Danab Gor Gor iyo Ciidanka xaq u dirirka deegaanka ayaa ka dhacay bacadka faarax aadan oo u dhaw degmada Xarardheere ee gobalka mudug.

Ciidanka ayaa ku guuleystay bur burinta fariisin al shabab ay ka sameysteen bacadka faarax aadan in kastoo marar badan deegaankaas ay ka dhaceen dagaalo lala galay argagixisada qasaara xoogana lagu gaarsiiyay

 

Dhinaca kalana al shabab ayaa dhankeeda guulo waaa weyn ka sheegatay dagaalkaan iyada oo shaaca ka qaday in ay dileen ilaa 30 askari iyo in ka badan 30 kalana dhawaceen hayeshee simba si dhab ah uma xaqiijin karto sheegashada al shabab

Si kastaba inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan al shabab ayaa kordhisay werada ay ka geysaneyso fariimaha kala duwan ee ciidanka dowlada iyo kuwa dadka degaanka ee loo yaqaan macawisleyda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here