Xog culus:Al_shabab oo dagaal culus kula waregtay daaru nimca

0

Wararka simba  uu ka helayo degaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas sake uu dagaal ka dhacay  ,kaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhawacba leh

 

Weerarkan ayaa ka dhacay sida  lagu soo waramayo xero ciidan oo ku taalla deegaanka Daaru-nimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda Al- Shabaab ayaa  weerarkaan   ku ekeeysay , xero ciidan oo ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya.

 

 

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay iney duulaankan  kula wareegtay degaanka daaru nimca , waxeyna warkooda sii raaciyeen iney ilaa degaanka alkowthar ku sugan yihiin

 

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarkan saakay lagu soo qaaday ciidanka huwanta ah ee ku sugan deegaanka Daaru-nimca iyo khasaaraha ka dhashay.

 

Dhinaca kalana  werarka al shabab ayaa ku bilowday baabuur qaraxyo ah iyo rasaas ayay dadka ku waaberiisteen.

 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here