Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa haatan ka socda bannaanbax balaaran oo loogu taagerayo wax ka badalka dastuurka dalka
Banaanbaxa oo bilaawday subaxnimadii hore ee saakay ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, wuxuuna si gaar ah uga socda Taalada Dajirka Dahsoon ee degmada Boondheere.
Ciidamo aad u farabadan ayaa taagan wadooyinka muhiimka ah, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya sugida amaanka guud ee dibadbaxayaasha.
Qeybaha kala duwan ee shacabka reer Muqdisho ayaa ka qayb qaadanaya banaanbaxa, .
Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa lagu wada iney ka qayb galaan banaanbaxa oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Bananbaxaan oo ay soo qaban qaabisay mamulka gobolka banadir ayaa kusoo beegmaya xili meelo xasaasi ah marayo wax ka badalka dastuurka dalka

