Dowlada Iran ayaa sheegtay in maxaabiis kaga xirnaa Soomaaliya ay dib u heleen xorriyaddooda.
33 kaluumaysato iyo badmaaxiyaal u dhashay dalka Iran oo ku xidhnaa xabsiyada gudaha Soomaaliya ayaa la sii daayay, waxa ayna ay dib ugu laabanayaan dalka Iran iyagoo diyaarad lasoo saarayo sida ay ku waraantay warbaahinta Irna ee Iran.
Dhinaca kalana ilaa hada ma jirto wax war kasoo baxay dowlada federalka ee soomaliya oo ay kaga hadleyso arintaan soo shaac baxday waxaana dhinaca kalana bilihii ugu danbeyay soo badanayay ajaaibta xukunada ay ku ridayeen maxkamadaha ku yaala Soomaliya

