Telefishanka Russia Today ee dalka Ruushka, ayaa warbixin ka sameeyay tallaabo ay Somaliland qaaday oo ku aadan qaddiyadda aqoonsiga madax bannaanideeda ugu gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa caddeeyay in xukuumadiisu ay dedejinayso dedaalka ay ugu jiraan aqoonsi caalamiya oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.Wuxuuna tilmaamay in heshiiska is faham uu saacidi doono qaddiyadda Somaliland.
Ugu dambayn, wuxuu Telefishanka Russia Today sheegay in Somaliland ay bishii September ee la soo dhaafay ay daboolka ka qaaday in wadahadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya aan lagaga hadli doonin inay dib u midoobaan labada Soomaliya iyo Somaliland , hase ahaatee laga wada xaajoon doono sida labadii gobol ee waqooyi iyo koofur ee lixdankii midoobay u kala bixi lahaayeen.
Si kastaba dacwada Somaliland u gubisay Maxkamada Cadaalada aduun ee ICJ ayaa imaaneysa xili Somaliland ay dowlada etoobiya la gashay hishiis Buuq xoog leh keenay kaasi oo ah hishiis dhan bada ah Somaliland aqoosi heleyso

