Somaliland oo qabatay nin babuur ku dilay hooyo umul ah

0

Taliska Ciidanka Booliska mamulka Somaliland ayaa  waxa uu gacanta ku dhigay  eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah  oo saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee  Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah,

Hooyada baabuurka jiirsiyay ayaa lagu soo waramayaa in ay u geeriyootay dhawacii kasoo garay Eedaysanaha ayaa kamid ahaa darawallada gaaddiidka ee  Dawladda Hoose Hargaysa.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaana waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta ku soo dhigeen Eedeysanaha iyo gaadhigiiba, waxaanay  ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska.

Sidoo kalana Waxaana bolisku sheegeen in sida  ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga,

Somaliland ayaa ka mid degaanada soomaliya eek u badan shilalka nucaani oo kala ah iyadoona mudooyinkii ugu danbeyay uu sii kordhayay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here