Nin Madixiisa lacago malayiin dul dhigtay dowlada mareykanka oo geridiisa lagu dhawaqay

0

Ururka Al Qacida Garabkiisa  dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay geerida hogaamiyihii ururkaasi Khaled Batarfi, balse ma aysan cadeyn qaabka uu u dhintay hogaamiyohooda . Muuqaal ay baahisay Al-Qaacida qaybteeda jasiirada carabta ayaa muujiyey maydka Khaalid oo ku duuduban maro cad iyo calanka ururka.

 

Markii kooxdku ku dhawaaqday geeridiisa, qofkii akhrinayey bayaanka ma sheegin sida uu u dhintay balse waxaa loo adeegsaday erayo ka turjamayey in loo dilay si la mida sidii saraakiisha kooxda hore loogu dilay.

Khaalid Batarfi,ayaa ah  muwaadin Sacuudiyaan ah oo afartan sano jir ah, wuxuu noqday hogaamiyaha Al Qaacidada Jaziirada Carabta sanakdii 2020-kii

 

Mareykanka ayaa sanadkii 2018-kii ku tilmaamay inuu yahay “argagixiso caalami ah” wuxuuna abaal-marin lacageed oo dhan 5 milyan oo dollar dul dhigay qofkii keena xog isaga ku saabsan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here