Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in manta oo isniin ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay Studiyaha Telefishinka dowlada ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.
Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulanka dhaarinta goobjoog ahaa ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyey in Isniinta berri ee 11-ka Maarso ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii meel kala duwan dad jooga ay sheegeen inay arkeen bilashada bisha, halka Jamaal Axmed Mayow oo jooga degmada Awdheegle uu ku dhaartay inuu arkay bishii oo galabta dhalatay.
Dhinaca kalana Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in manta aysan aheyn maalinta kowaad ee bisha ramadaan sida ay shaacisay wasaarada arimaha cadaalada iyo diinta ee mamulkaasi Puntland hayeshee waxaa wararku shegayaan in qaarkood masajida degaanada Puntland looga dhawaqay bisha ramadaan in manta 1tahay
Sidoo kalana degaanada kala ee soomaliya ayaa manta qaarkod laga soomaneen sida galmudug magolooyin ka mid ah

