Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo diyaraha mareykanka ayaa Howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab ka fuliye tuulooyin hoostaga gobolka Shabellada Hoose ee mamulka konfur galbeed soomaliya,
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ayaana sheegay in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay isku aruursanayeen al shabab
Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka oo qaatay saacado badan in uu kusoo dhamaday sidii loogu talagalay walina uu jiro howlgalkaasi.
Dhinaca kalana qoraal lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida oo loga hadlayay howlgalkaasi ayaa lagu yiri..
Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada Mareykanka ayaa lagu bartimaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay degaano ka tirsan gobolka Shabeelada hoose, howlgalka waxaa lagu dilay maleeshiyaad katirsan khawaarijta, iyadoona gebi ahaan la burburiyay dhagartii ay shacabka usoo maleegayeen..
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ugu badan ee inta badan ay ku dagaalamaan Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah & Al-Shabaab.

