Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya qarax jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah gobolka banadir oo sake wabarigii ka dhacay suuqa ugu weyn soomaliya ee bakaraha sida ilo wareedyo kusoo waramayaan qaraxaan ayaana ahaa mid aad u culus
Xiliga qaraxa uu dhacayay ayaana aheyd xili badi dadka ay jifeen oo ah inta aan la garin salada subax Dadka goobjoogayaal oo aan la xariirnay ayaana sheegay in qaraxa uu ahaa mid la dhigay goobo ganacsi oo ku yaal gudaha suuqa bakaraha gaar ahaan meelo aan sidaa uga fogeyn cabdala shideeye.
Qaraxaan ayaa geystay qasaaro aad u badan iyadoona gobaneyso ilaa in ka badan afar sacadood oo xariir ah goobaha lala bartilmaameysaday qaraxyadaasi dhinaca kalana lama xaqiijin qasaraha dhimasho iyo kan dhawac ee qaraxasi uu geystay
Sidoo kalana hayadaha amniga iyo kuwa damdamiska ayaa garay goobaha aadka u gubanaya iyadoona ilaa hada lagu guleysan in la damiyo dabkii ka dhashay qaraxaasi
Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuliyada werarkan sake ka dhacay gudaha suuqa bakaraha hayeshee ma ahan markii ugu horeysay ee qarax uu ka dhaco suuqa bakaraha oo ah suuqa ugu weyn soomaliya.

