Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa waxay uga digtay maamulka Somaliland isku daygiisa ku aaddan qalqal galinta amniga diyaaradaha ku goosha hawada Soomaaliya.
Wasiirka duulista ayaa sheegtay, sii socoshada isku dayga tallaabooyinkan, in ay keeni karaan in dowladda Soomaaliya ay ka fekerto in duulimaadyada caalamiga ah ee ka dega magaalada Hargeysa lagu qasbo inay mar hore soo maraan magaalada Muqdisho.
Wasiirka waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay haatan u guurtay isgaarsiin cusub, taasoo meeshii ka saartay isgaarsiintii horey ay u wada isticmaali jireen Muqdisho iyo Hargeysa. waxay sheegtay in dhammaan diyaaradaha lagu amray oo ay haatan ku shaqeeyaan isgaarsiinta laga maamulo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

