Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa halkaas heshiis muhiim ah kula saxiixday dhigiisa Wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, ahna wasiiru dawlaha Arrimaha golaha wasiiradda dalka Qatar Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi.
Heshiiskaan oo ahaa heshiis is afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga ayay si wadajir ah u kala saxiixdeen wasiirada Cadaaladda ee dalalka Soomaaliya iyo Qatar.
Heshiiska ayaa la sheegay inuu yahay mid ka turjumaya danaha labada dal, kaasoo la xariira isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo qoraalada heshiisyada iyo is afgaradka.

