Hay’adda Duulista rayidka ee Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabooyin adag oo lagu dammaanad qaadayo sii socoshada bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya.
Hay’addu waxay sheegtay in ay walaac ka qabto in Somaliland ay carqaladayn ku bilowday maamulka hawada Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay suurtagal tahay in ay ku hoos qarsoon yihiin saamayn dibadda ah iyo dano gaar ah.


