Farmaajo iyo Shariif oo Eedeen Culus U Jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warsaxafadeed ay si wadajir ah usoo saareen si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Warsaxafadeedka ayay ku sheegeen labada madaxweyne inuu fashilmay dadaalo ay doonayeen iney ku dhameeyaan khilaafka ka dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

 

 

“Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasoo keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf hor leh” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

 

Labada madaxweyne ayaa ku eedeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaaday tilaabo burburisay wadahadalka oo ay sheegeen in balantu eheyd in mudo laba isbuuc ah hakad la galiyo howlaha la xiriiro dib u eegista dastuurka, islamarkaana uu wali sii wado madaxweynaha qorshaha wax ka badalka Dastuurka.

 

 

“Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka labada madaxweyne.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here