Faah-faahino:-“Qaraxyo Ka Dhacay Magaaaladda Muqdisho”!

0

Dhowr Qarax ayaa  ka dhacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka dhasheen khasaare dhaawacyo ah iyo dhimasho ah.

 

Qaraxyadda ayaa ku dhacay xarumo ganacsi xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dad badan oo ka adeeganayay. Muuqaallo lagasoo duubay goobta ayaa lagu arkayay dad dhaawac ah oo dalbanaya caawimaad.

 

Weli lama oga in ay dadi ku dhinteen. walow isbitaalada loola cararay dad qaba dhaawacyo culus oo kasoo gaaray hoobiyaasha ku dhacay suuqa Bakaaraha.

 

Guud ahaan suuqa Bakaarahaha ayaa albaabada loo laabay, Lamana oga cidda ka dambeysa Qaraxyadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here