Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dil loo geystay xalay Wiil la dhashay Xildhibaan Yaasiin C/laahi Farey oo horey usoo noqday Taliye Ku-xgeenka Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.
Dilkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Xarunta Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir habeenkii xalay ahaa.
Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Abdiqani C/laahi Maxamuud (Farey), wuxuuna kamid ahaa sida la sheegay Ciidamadda Hay’adda Nisa kuwooda dharcadka ee ka howlgala Xaafadaha Magaaladda Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka wiilkaan la dhashay Xildhibaan Yaasiin C/laahi Farey.
Warar ayaa sheegaya in dilkiisa uu ka dambeeyay askari kale oo ka Tirsan Ciidamadda NISA,Kaasi oo khilaaf soo kala dhexgalay,islamarkaana xabad ku dhuftay.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in dilkiisa uu yimid kadib markii Ciidamadda Nisa ee uu ka Tirsanaa ay u kala baxeyn Laba Group qorshahahodana uu ahaa soo qabashadda ciyaal weero dhibatooyin ku haya Shacabka Degmada Yaaqshid, balse raaastii la ridayay intuu howlgalka socday ay haleeshay Abdiqani C/laahi Maxamuud Farey), oo la dhashay Xildhibaan Yaasiin Farey.
Xubno Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibanka Yaasiin C.laahi Farey ugu tacsiyeeyay dilka walaalkisa loo geystay habeenkii xalay ahaa.
Dhamaan askartii howlgalka ku jirtay ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay islamarkaana lagu hayo baaritaano.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo dilkaan loo geystay Abdiqani C/laahi Maxamuud Farey), oo la dhashay Xildhibaan Yaasiin Farey.
Kiisaska noocaan oo kala ayaa inta badan ka dhex dhaca Hay’adaha Dowladda Soomaaliya, waxaana loo xiraa askar lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyay falka dhacay.

