Dowladda oo Mogadisho Ku Qabatay Mid Kamid ah Ragii La Shaqeynayay Axmed Diiriye

0

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kusoo bandhigay magaalada Muqdisho Sarkaal ka Tirsan Al-shabaab.

 

Horjoogaha NISA ay soo bandhigtay ayaa magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud oo loo yaqaano Muxiyadiin Daqare, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa gacan yarayaasha hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye.

 

“Horjoogahan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay. Horjooge Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay gobalada, Bay, Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Hoose”ayaa lagu yiri war kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

 

Sarkaalkaan ka tirsan  Al-shabaab ayaa ka la tilmaamay inuu ka howlgali jiray gobolada kala ah Galgaduud, Mudug, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here