Gaadiid Ciidan oo Maanta lagu Wareejiyay Taliska Booliska ee Gobolka Hiiraan+Sawiro

0

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeeda Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska soomaliyeed oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka qeyb galay Munaasabad Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan loogu wareejiinayay gaadiid loogu talo galay in ay ku shaqeeyaan.

Munaasada wareejinta Gadiidka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliya jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud, Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Taliye ku xigeenka Ciidamada Dalka Jabuuti Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan maamulka Degmada Taliyaha qeybta booliska ee Gobolka Col’isaaq Cali Cabdulle iyo  masuuliyiin kale.

Ugu horeyntii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeed ee Gobolka Hiiraan Col isaaq Cali Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gadiid ciidan lasoo gaarsiiyay xili Taliska Gobolka Hiiraan  uu u baahnaa gadiidkaan isagoona sidoo kale balanqaaday in si wanaagsan loogu shaqeyn doono gadiidkaan.

Dhanka kale Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba geed waxana uu sheegay in gadiidkan uu ka kooban yahay shan gaari islamarkana labo ka mid ah loogu talo galay ciidamada booliska gobolka Hiiraan ee ka howlgala Magaalad Baladweyne halka saddexda kalan ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada booliska qeybta miino barista Gobolka Hiiraan isla markaana lasoo gaarsiiyay waqti wanaagsan uu maamulka u baahnaa.

Ugu dambeyntiii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeeda Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in gaadiidkaan loogu talagalay taliska Gobolka Hiiraan madaama horey maamulada kale ee dalka ka jira ay sidaan oo kale gadiid ay ugu wareejiyeen.

Taliyaha-Booliska.7jpg Taliyaha-Booliska.9jpg Taliyaha-Booliska Taliyaha-Booliska-1 Taliyaha-Booliska-5 Taliyaha-Booliska-6 Taliyaha-Booliska-7 Taliyaha-Booliska-9 Taliyaha-Booliska-11 (1) Taliyaha-Booliska-11 Taliyaha-Booliska-15 Taliyaha-Booliska-18 Taliyaha-Booliska-19 Taliyaha-Booliska-20 Taliyaha-Booliska-21 Taliyaha-Booliska-22

Xigasho sawirada Radio Hiiraan weyne ee Beledweyne

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here