Macalinka kooxda Manchester United Luis Vaan Gaal ayaa sheegay in kaptanka kooxda Manchester United weyne rooney uu garoomada ka maqnaan doono muddo 2-bilood ah kadib dhaawac soo gaaray.
Kaptanka xulka dalka Ingiriiska ayaa laga saaray kooxda lasoo ciyaareysa kooxda Midtjylland lugta Hore ee koobka caanka ah Europa League ciyaar habeen dambe soo galaysa.
Dhanka kale Weyne Rooney ayaa la filayaaa in uu garoomada ka maqnaado muddo gaareysa 8-todobaad isagoona dib ugu soo laaban doono Kooxda dhamaadka Bisha March sida uu macalin Luis van Gaal maanta saxaafada u sheegay.

