Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday ku Qaaday Magaaladda Caad

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay saakay weerar qorshaysan ay kusoo qaadeen Magaalada Istaraatiijiga ah ee Caad oo dhacda Koonfurta Gobolka Mudug.

 

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo gaari laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Saldhigyadda Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ay ku leeyihiin magaaladda Caad waxaana xigay toos ahaa oo dhexmaray Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la fashiliyay weerarka shabaab iyo qaraxyadda ay la damacsanaayeen magaaladda caad,islamarkaana haatan lagu sii baacsaaayo banaanka Magaaladda.

 

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Deegaanka ay wali ku sugan yihiin Magaaladda Caad,islamarkaana Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay gacanta u gasho.

 

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Al-shaabab ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar,ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Al-shabaab ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Al-shabaab’, ayaa lagu yiri war lagu baahiyay warbaahinta Dowladda oo laga soo xigtay Saraakiisha goobta dagaalka ku sugan.

 

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac eek a dhashay dagaalka iyo qaraxyadda saakay ak dhacay magaaladda caad ee gobolka mudug,

 

Sidoo kale Al-shabaab ayaa wali ka hadlin dagaalka ay saakay ku qaadeen Magaaladaan oo sanado gacantooda ku jirtay balse ay la wareegeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here