Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah mid la isku khilaafsan yahay,waxaana jira Xildhibaano taageersan Ajendaha kulanka maanta halka kuwa kalana ay kasoo horjeedaan.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana taageersan Madaxtooyadda ayaa u ololeynayaa in kulanka maanta uu noqdo mid wax ka badalka loogu sameeyo Dastuurka Dalka,halka kuwa kalana ay kasoo horjeedaan arintaas.
Xildhibaan Hore Mohamed Xasan Idiris oo kamid ah Guddiga Dastuurka ayaa sheegay in kulanka maanta uusan aheyn mid Dastuurka wax loogu badalaayo uu yahay mid loogu doodi doono sida ay u wada shaqeynayaa xubnaha labadda Aqal.
“Kulanka wadajirka ah ee Labada gole BFS Ajendihiisu doodaha badan dhaliyey ma ahan mid Qodob Dastuur looga doodi doono ee waa habraacii /xeer hoosaadkii qeexi lahaa habka wada shaqaynta 2da gole ee dastuurka”, ayuu yiri Xildhibaan Hore Maxamed Xasan Idiris.
Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa ka hor yimid qorshaha wax ka badalka Dastuurka,waxayna soo jeediyeen in xiligaan aysan hobooneen in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Dalka.
Villa Soomaaliya iyo Xukuumadda Federaalka ayaa dadaal ugu jira in labadda aqal ay meelmariyaan wax ka badalka Dastuurka,islamarkaana dalka uu u gudbo Nidaam Madaxtooyo.
Bishii May 2023-kii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobo waaweyn oo ku jira dastuurka kumeerl-gaarka ah oo taabanaya qaab dhismeedka dawladda iyo nidaamka xisbiyada.

