Somaliland ayaa ka digtay faragalinkasta oo dibadeed oo lagu sameeyo is afgaradka badda ee ay la gaadhay Itoobiya, iyada oo boorisay in khilaafkasta lagu dhameeyo wadahadal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda.
“Xaaladaha baryahan taagnaa awgood, waxaanu markale hoosta ka xariiqaynaa sida ay Somaliland uga go’antahay in arrimaha gobolka lagu xaliyo wadahadal iyo iskaashi, waxa kale oo aanu hoosta ka xariiqaynaa in in aanu meel adag ka taaganahay faragalinkasta oo dibadeed oo lagu sameeyo isfahamka Itoobiya iyo Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalka oo si gaar ah loogaga hadlay dalka Masar, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay qadarinayso xidhiidhka kala dhexeeya Masar, ayna ku boorinayso in ay si togan uga qaybqaadato daganaanshaha iyo iskaashiga gobolka, isla markaana ay tahay dowlad wax wayn ka tari karta xalinta dhibaatooyinka taagan sida colaadaha Sudan, Qasa iyo meelo kale.

