Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka Cirka ee dowladda Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay Jubbada Hoose.
War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dolwadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaan 45KM dhanka Waqooyi beri ka beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa la tilmaamay in lagu dilay afar xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab oo isku aruursanaayay goobta ciidamadu beegsadeen.
Majirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka Shacabka ah howlgalkaan lagu bartilmaameedsaday xubnaha Shabaab ka tirsan ee ka dhacay Jubbada Hoose.

