Faah-faahin;-Qarax Khasaare Geystay oo ka Dhacay Muqdisho

0

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku geeriyooday, labo qofna way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay maqaayadda Alhindi oo kutaala degmada Xamarweyne.

 

War kasoo baxay ciidanka booliiska ayaa lagu sheegay in qof naftii halliga ah oo ay eryanayeen ciidamada amniga ee dowladda uu isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayada AlHindi.

 

Booliiska ayaa sheegay in goobta ay wax ka dhacayn uu ka socdo baaritaan dhawaana la bixin doono faah faahin dhammeystiran.

 

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay in ay la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan oo katirsan nabad sugidda iyo xubno kamid ah shaqaalaha wasaaradaha ee dowladda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here