Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay xarigga saddex kamid ah shaqaalaha shirkadda hormuud inuu ka dambeeyo, kadib markii ay shirkaddu diidday in fatashaad lagu sameeyo dhaqdhaqaaqa iyo koontooyin maaliyadeed oo ay leeyihiin shakhsiyaad lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.
Warsaxaafadeed NISA kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Hormuud ay diidday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna hay’addu ku eedeysay Hormuud in ay fakisay eedeysanayaal katirsan howlwadeennadeeda, kuwaas oo xiriir lahaa Alshabaab.
NISA waxay sheegtay in horey shirkadda Hormuud ay uga codsatay NISA, in ay ka caawiso dhibaatada ay kala kulanto Alshabaab.


