Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa la sheegay in la waayay xilli ay howgallo ka wadeen xeebaha Soomaaliya Khamiista, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.
Hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa haatan socda si loo helo badmaaxiinta, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamadda Mareykanka.
Bayaanka koobanka ma uusan bixin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan waxa ay badmaaxiinta sameynayeen markii la waayay marka laga reebo in la yiri “horey ayaa loo daabulay oo la geeyay aagga howlgallada 5-aad ee Ciidanka Badda Mareykanka waxayna “taageerayeen howlgallo kala duwan.”
“Ixtiraam loo haya qoysaska ay saamaysay arintaa darteed, ma sii deyn doono macluumaad dheeraad ah xilligan,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamadda Mareykanka./
Mareykanka ayaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiro yar kuwaas oo diiradda saaraya khatarta al-Shabaab, oo ah urur Islaami ah , oo weeraro ka dhan ah dowladda Soomaaliya ka fuliyay gudaha Soomaaliya.
Mareykanka ayaa al-Shabaab u aqoonsan urur argagixiso,kaasi oo ka dagaalama gudah Soomaaliya iyo wadamda dariska.
Marka laga soo tago tababarida ciidamada Soomaaliya, Mareykanka waxa uu sidoo kale kala shaqeeyay dowladda Soomaaliya weeraro ka dhan ah Al-Shabaab.
Sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, “Al-Shabaab waa shabakadda al-Qaacida ugu weyn uguna firfircoon ee adduunka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto ciidamada Mareykanka ayna khatar ku noqoto danaha amniga Mareykanka.”

