Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay shir madaxeedka IGAD oo dhici doona 18-ka bishan Janaayo, kaasoo looga hadli doono heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.
“Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Janaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibbada Maraykanka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay taageerada uu Maraykanku u hayo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dalka Jabuuti oo hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in uu furmayo shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya iyo xaaladda Suudaan.

