Puntland oo Dalbatay in La Hakiyo Talaabooyinka masiiriga ah inta la isaga imaanayo

0

Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa war kasoo saartay shir ku dhexmaray magaalada Garoowe madaxda maamulka Puntland, madaxdii hore ee maamulkaas iyo masuuliyiin xilal horay uga soo qabtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ee la xariira shirka ayaa laga soo saaray laba qodob oo kan koowaad uu ahaa in shacabka reer Puntland ay ka shaqeyeen midnimada iyo wadajirka Puntland.

Qodobka labaad ee warsaxafadeedka ayaa sidoo kale ahaa mid loogu baaqay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney hakiso talaabooyinka masiiriga ah inta la isaga imaanayo si wadajir ah.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya laga wada hadlo, lana hakiyo tillaabooyinka socda inta laysaga imaanayo”ayaa lagi yiri qoraalka lasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here