Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Al-shabaab ay u adeegsatay hoobiyaal khasaare geystay oo Xalay ay ku qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Weerarka hoobiyaasha ah ayaa la xaqiijiyay inu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobay, kaasoo ku sugnaa dhismaha Xafiiska Qaramada Midoobay oo ku yaala agagaarka garoonka Aadan Cadde, sida lagu sheegay Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

