Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho si adag uga horyimid damaca dowladda Itoobiya ku dooneyso iney hesho qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa ugu horeyn amaan iyo bogaadin u jeediyay shacabka gobolada Waqooyi, gaar ahaan reer Awdal oo ka horyimid heshiiska Somaliland la gashay dowladda Itoobiya.
“Dhulka Soomaaliya taako ka mid ah cid bixin karta ma jirto ee waxaan leyahay dadka gobolada Waqooyi ha qaadanina damaca guracan ee dowladda Itoobiya ee ku dooneyso iney ku qaadato qeyb ka mid ah dhul Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Xagaa oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay.

