Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xildhibaanada Puntland u jeediyay khudbadiisa Musharaxnimo ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku cadaadisay inuu aqbalo wax ka beddelka dastuurka, si Puntland loogusoo fasaxo mashaariicda uga xanniban dowladda.
Madaxweyne Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Puntland lagu cadaadiyo dhaqaalihii Soomaaliya loogu talo galay in looga beddesho dano siyaasadeed oo ay dowladda federaalka ka leedahay dastuurka.
“Waxaan gorgortan ka gali weynay in hoos loo dhigo nidaamka federaalka. Waxaan iska diidnay in dhaqaalaha adduunku ugu talo galay Soomaaliya, oo qeybta ay Puntland leedahay noolaga beddesho in dastuurka lagu marin habaabiyo,” ayuu yiri madaxweyne Denu.

