Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhoweeyay go’aankii isimmada SSC- Khaatumo, kaasoo ahaa in aysan soo xuli doonin 17- ka xidhibaan ee ku matali jiray baarlamaanka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu taageersan yahay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu galo 49 xildhibaan, wuxuuna caddeeyay in uusan aqbali doonin 17 xildhibaan oo aan ku imaan matalaadda SSC- Khaatumo.
“Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas. Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.
Axmed Karaash ayaa ka digay tallaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.

