War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Wadahadalladii dalka Jabuuti uga socday madaxweynaha dowladad Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Qodobada lasoo saaray ee isku fahmeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ah in dib loo bilaabo wadahadaldii labada dhinac u socday iyo in 30-maalin gudahood labada dhinac isla meel dhigaan geedi-socodka wadahadalada.



