Deni oo si adag u Dhaliiyay Dowlada Fedaraalka, kana hadlay Arinta SSC Khaatumo

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Xalay gudaha magaalada Garoowe ku qabsaday xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo uu ku shaacinayay inuu markale u taagan yahay qabashada xilka madaxtinimada maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, isagoona ugu horeyn ku dheeraaday ka sheekeynta wax qabadkii uu sameeyay mudada uu xafiiska joogay.

 

Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan in SSC Khaatumo ay noqoto maamul madax banaan oo la mid ah maamulada kale ee ka jira dalka.

 

“Taageeridda aayo ka tashiga dadka reer Khaatumo waa qodob ka mid ah barnaamijkeyga siyaasadeed hadaan ku soo laabto xukunka, dhaqaale badan ayaa Puntland kaga baxay xoreyntii gobolka Sool oo hadda SSC Khaatumo ay ka taliso. Waan ixtiraamaya go’aanka iyo masiirka dadka deegaanadaas” ayuu yiri madaxweyne Deni.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni in Puntland ay u cunaqabateysan tahay dowladda federaalka, islamarkaana dhaqaalihii caalamku ku taageeri jiray Soomaaliya qeybihii uga soo aaday Puntland ay wali ku xayiran tahay Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here